Ugu yaraan 8 qof oo raiyd ah ayaa lagu dilay halka dad kalana ay ku dhaawacmeen duqayn ay gaysteen ciidamada dawladda suuriya.

Duqaynta ayaa ka dhacday gobolka idlib ee dhaca waqooyiga galbeed ee dalka suuriya.

Dadka dhintay ayaa ku leeday duqaymo is xigxigay oo ciidanka bashar alasad ay ku qaadee deegaano kala duwan oo gobolka.

Ilaa 3 qof waxa lagu dilay duqayn ka dhacday deegan lagu magacaabo maret alnuwan, halka saddex caruur ah iyo aabahoodna agu dilay duqayn kale oo ka dhacday deegaanka albara ee isla gobolka idilib.

Dad lagu qiyaasay 17 qof ayaa ku dhaawacmay duqaymaha diyaaradaha ciidanka suuriya.

Deegaanada gobolka idlib wali waxa isku haya kooxaha mucaaridka iyo ciidamada daacadda u ah maamulka madaxweyne bashar alasad. Iyadoo iska hor imaadada u dhaxeeyana la sheegayo in ay ku dhinteen dad dhan 34 qof, sida uu sheegay maxadka xuquuqda aadanha ee dalka suuriya oo fadhigiisu yahay wadanka ingiriiska.

Illaa 26 ka mid ah ciidamada dawladda iyo 8 ka mid ah kooxaha mucaaridka ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalada dagaalada maalmihii lasoo dhaafay socday.

Tan iyo markii iska hor imaadadu ay ka bilaabmeen gobolkan, waxa ku dhintay dad lagu qiyaasay 300 oo qof. Halka 300k oo kalana ay ka carareen guryahooda.

Walina ma muuqato saan-saan nabadeed oo laga filankaro goblka. Xili dagaalka sokeeye ee dalka suuriya uu sideed jirsanayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga