Xildhibaanada asal ahaan Soomaaliga ah balse haysata dhalashada Maraykanka kana tirsan Koongareeksa Maraykanka ee Ilhan Cumar ayaa si jees-jees ah uga hadashay kulan ay xubno Koongareeka ahi la qaateen madax ka socotay Somaliland oo ku sugan Maraykanka.

Ilhan Cumar ayaa sheegtay in ay xildhibaanada Maraykanku la yaabeen isla markaana ku adkaatay in ay fahmaan lahjadda ay ku hadlayaan madaxda Somaliland ee kulanka la qaatay.

Ilhan ayaa hadalkeeda kala kulantay dhaleecayn wayn oo ay usoo jeediyeen dadka reer Somaliland ee istcimaala Twitter-ka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga