Xildhibaanada lagasoo doorto gobolka Minnesota ee Ilhan Cumar kana tirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa si rasmi ah u guursatay Tim Mynett oo ah nin la taliye arimaha siyaasadda ah oo xisbiga Dimuqraadiga la shaqeeya.

Mynett ayaa mar lasoo shaqeeyay Ilhan Cumar isagoo lacago ku bixiyay ololihii ay kusoo baxday ee kursiga Koongareeska ay ku timi.

Ninkan ayaa mar lagu eedeeyay in uu xidhiidh ka baxsan ka saaxiibtinimada la sameeyay Ilhan Cumar, balse labadooduba way beeniyeen markaas.

Sawir ay ku baahisay barteeda Instagram ayay ku sheegtay in ay si rasmi ah ula aqal-galayso Mynett waxaanay tidhi “Waan guursaday. Waxaanu asxaab ku ahayn siyaasadda, imikana nolosha rasmiga ah. Ilaahay aya mahad leh”

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga