Ilhan Cumar waxay guul muhiim u ah ka gaadhay wejiga hore ee doorashada ka mid noqoshada Aqalka Koongareeska ee dalka Maraykanka, kadib doorasho ka dhacday deegaanka laga soo doorto ee Minnesota.

Waxay ka adkaatay nin la rabay in uu meesha ka saaro 37 jirtan taariikhda ka dhigtay gudaha Maraykanka. 

Antone Melton oo madaw ahaa isla markaana lacago badan lagu bixiyay oloahiisa ayay codad badan ku dirtay. Waa qareen ay badhitaarayeen kuwa neceb Ilhan Cumar oo xataa xisbiga Jamhuurigu uu ka mid ahaa, balse malaayiinka dollar ee ay bixiyeen ayaa noqday hal bacaad lagu lisay.

Mrs Cumar waxay ku guulaysatay 57% codadka la dhiibtay, waa tiro ka badan tan ay kusoo baxday doorashadeedii hore oo ahayd 48%.

Waxay guushani dhabaha u xaadhaysaa in ay mar kale hesho kursiga ay imika ku fadhido, kaas oo ay tartan kale la gali doonto qofka kasoo baxa xisbiga Jamhuuriga doorashada dhacaysa bisha November ee sanadkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga