Xildhibaanada lagasoo doorto degmeda shanaad ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa si adag u difacday hadalo ay hore ugu dirtay maamulka Yuhuudda ee Israel.

Ilhan Cumar waxay deedifaysay xildhibaano ay isku xisbi yihiin oo dhibsaday hadalo ay hore u tidhi, xildhibaanadaas oo qaar Yuhuud ahi ay ku jireen. Mana aha markii ugu horaysay ee Ilhan Cumar ay is qabtaan xubnaha xisbigeeda iyadoo ka hadlaysa arinta Israel iyo Falastiin.

Ilhan waxay ku baaqday in si isku mid ah loola xisaabtamo cid walba oo tacadiyo ka dhan ah bini aadamtinimada gasha, waxay carabka ku dhufatay dawladda Maraykanka iyo Israel. Mar uu hor tagay gudida arimaha dibadda ee baarlamanka Maraykanka, xoghayaha arimaha dibadda ee Maraykanka, Anthony Blinken, waxay Ilhan waydiisay su’aalo la xidhiidha arintan iyo taageerada uu Maraykanku siiyo Israel, taas oo marar adan ay cambaaraysay xildhibaanadan lagasoo doorto Minessota.

Ilhan Cumar waxay xildhibaanada kasoo hor jeedsaday ku tilmaantay kuwo faafinmaya muslim macaybka ka jira dunida galbeedka iyadoo in ay isku xishoodaan fartay, waa sida ay hadalka u dhigatye.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga