Maxkamadaha dalka Iran ayaa laba nin ku xukumay 10 sanno oo xadhig ah midkiiba iyadoo loo haysto dembiyo la xidhiidha basaasnimo ay u basaasayeen dalalka Ingriiska, Jarmalka iyo Israa’iil.
Afhayeen u hadlay garsoorka Iiraan waxaa uu sheegay in kiisasku ay kala gaar yihiin isla markaana labada nin mid kamid ahi uu u basaasayay sirdoonka midka Israa’iiliyiinta ee Mossad la yidhaa iyo dala Jarmalka.
Garsoorka Iiraaniyiintu waxay sheegeen, in Massud Mossaheb lagu helay gudbinta macluumaad ku saabsan hubka Nukliyeerka ah, sayniska tignaloojiyadda ili-ma aragtayda ah iyo badka caafimaadka.
Wararka ayaa sheegaya, in markii la qabtay ninkan bishii January sannadkii 2019-kii aanay qoyskiisku ka warqabin, illaa muddo todobaadyo ah uun kadib loo sheegay inuu ku xidhan yahay xabsiga ugu xun caasimadda dalka Iran ee Tehraan.
Ninka labaad ee isna lagu xukumay 10 sannadood dalka Iran, ayaa magacagiisa lagu sheegay Shahram Shirkhani, Mr. Shirkhani, ayaa la sheegay inuu u basaasayay sirdoonka British-ka, isagoo xitaa isku dayay inuu shaqaaleeyo saraakiil Iiraaniyiin ah, si ay ugu adeegaan sirdoonka Ingiriska ee MI6, sida ay sheegeen garsoorka Iiraaniyiintu.
Iran waxay sheegtay inay qabqabatay basaasiin kale, kuwaasi oo ay sheegtay inay u basaasayeen dalal uu Maraykanku ka mid yahay, dalkani ayaa hore dilal ugu fulisay dad ay sheegtay inay dalka cadow ku ahaayeen kuwaasi oo u basaasayay wax ay ku tilmaameen cadow.