Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka Mike Pompeo, ayaa sheegay inay Iiraan ka dambaysay weerarro lagu qaaday laba xarumood oo saliidda laga soo saaro oo kuyaal dalka Sucuudi Carabiya, hadalka kasoo yeedhay Mr. Pompeo, ayay dawladda Iiraan ku tilmaamtay mid aanay ‘’Waxba ka jirin’’.

 

Shidaalka caalamka ayuu sare u kaca ku yimi qiimihiisa, kadib markii kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanta dalka Yemen, ay ku qaadeen weerarro dhanka cirka oo ay u adeegsadeen diyaaradaha aanay cidi wadin ee ‘’Drones’’ layidhaa.

 

Balse qiimaha shidaalka ee kor u kacay ayuu qiimihiisu hoos usoo yara dhacay, kadib markii madaxwayne Trump uu bartiisa Twitter-ka ku sheegay in haddii loo baahdo, la isticmaali karo shidaalka Maraykanka ee kaydka ah.

 

Sacuudiga iyo xulafadiisa ayaa Yemen ka waday dagaallo ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta, kuwaas oo uu caasimadda dalka uga baxay madaxwaynaha dawladda adduunku ictiraafsan yahay ee dalkaas Yemen.

 

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow, ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku salaysan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga