Urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya wuxuu ka hir galiyay xarunta la socodka cimilada iyo deegaanka ee wadamada gobolka.

Xaruntan ayaa la sheegay in ay si dhaw ula socon doonto is bedelka cimilada, la socodka arimaha ilaalinta deegaanka iyo dhammaan arimaha kale ee la xidhiidha cimilada.

Soomaaliya ayaa marti galinaysa xaruntan oo la sheegay in ay gobolka muhiimad wayn u leedahay gaar ahaan Soomaaliya, oo ka mid ah wadamada ay saamaysay is bedelka cimiladu.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo xog hayaha guud ee IGAD ayaa xadhiga ka jaray xaruntan gudaha magaalada Muqdisho.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga