Maxkamadda Cadaalada Dunida ee loo yaqaano ICJ ayaa maanta oo Isniin ah waxay furaysaa dacwadda badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya taas oo soo jiitaaysay muddo sanado ah tan iyo markii kiiska la geeyay maxkamadda sanadkii 2014.

Saacadda Bariga Afrika marka ay tahay 5-ta galabnimo ayay furmaysaa dhagaysiga dacwaddu waxaana la dhagaysan doonaa qareenada dalka Soomaaliya ka socda ee difaacanaya biyahooda. Maalinta Salaasada waxa sii socon doonta dhagaysiga Soomaaliya, halka Keya loo muddeeyay maalmaha Arbacada iyo Khamiista, inkasta oo ay sheegtay in ay iskaga baxday kiiska.

Maalin walba waxa dal kasta loo ogolyahay 3 saacadood oo xidhiidh ah oo ay hadlaan, iyadoo wareega labaadna uu min hal maalin yahay, kana bilaabmayo Isniina danbe oo bishu tahay 22.

Wararka kiiska kala soco SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga