
Wefti ka socda maxkamadda danbiyada dagaalka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICC ayaa imanya dalka ku yaala waqooyi bari qaaradda Afrika ee Sudan.
Waxay u socdaan madaxweynihii hore ee Sudan Cumar Xasan alBashiir oo ay maxkamaddu ku eedaynayso masuuliyadda weeraro iyo dagaalo ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Sudan intii uu talada hayay, kuwaas oo lagu dilay dad badan.
Weftiga maxkamadda ayaa la shiraya dawladda ku meel gaadhka ee dalka Sudan, iyagoo kala xaajoon doona kiisaska soo qabashada ee saraakiil badan oo alBashiir uu ugu horeeyo.
Dawladda Sudan waxay hore u maxkamadaysay alBashiir oo wali dacwadihiisu ay socdaan.
Dadka wax falanqeeyaa qaar ayaa aaminsan suurtagalnimada in alBashiir loo gacan galiyo maxkamadda ICC, taas oo hadii lagu helo dacwadaha uu wajihi karo ciqaab adag.