Khubarada Caafimaadka ayaa inta Badan Kula Taliya Dadka Waawayn in ay Helaan 6 Ilaa 8 Saacadood oo Hurdo ah Habeenkii, Balse Waxa La Sheegayaa in Hurdadda Ka Badan Saacadahaas ay soo Dadajiso Dhimasho iyo waliba Xanuunada Ku Dhaca Wadnaha Sida Lagu Daabacay Wargeyska Ka Faalooda Arimaha Caafimaadka ee European Heart Journal.

Iyadoo La eegayo Xog Laga Soo Ururiyay 21 Waddan oo Ka Kala Tirsan Todoba Gobol oo Caalamka ah, Kooxda Cilmi baadhista Samaysay ayaa Ogaaday in Dadka Seexda Wax Ka Badan 8 Saacadood Maalintii ay Khatar ugu Jiraan Xanuunada Wadnaha, Faaliga iyo in ay Dhiman Karaan Cel celis ahaan Wax Ka badan Boqolkiiba %41.

Kooxda Cilmi-baadhista oo uu Horkacayo Shuwaanshi Waang oo ah Arday Shahaadada PHD Ka Wada Jaamcadda Maak-mastar oo Ku Taala Dalka Shiinaha ayaa Tibaaxay in ay Sii Kordhayso Khatarta Dadka Maalintii Seexda.

Waang ayaa Intaa Kusii Daray in Hurdada Maalintii ay Hoos u Dhigto Hurdada Habeenkii Taas oo Kor usii Qaadaysa Khatarta.

Diraasado Hore Loo Sameeyay oo La Xidhiidha Mawduucan ayaa Inta Badan Laga Samayn Jiray Waqooyiga Ameerika, Yurub Iyo Japan, Balse Diraasadan Cusub ayaa Iftiiminaysa Sawir Kale oo Xoojinaya Mawduuca.

Arimaha La ogaaday ayaa u Badan indha-indhayn, Taas oo Ka Turjumaysa in Sababta aan Wali La Garanaynin.

Julii Ward oo Ka Tirsan Maxad Arimaha Wadnaha Ka Shaqeeya oo Degan Dalka Ingiriiska ayaa Xustay in Diraasadu ay Xiiso Leedahay Balse aan Lagu Sheegin Sababta iyo Saamaynta.

Qofka Seexda Wax Ka Yar 6 Saacadood Maalintii ayaa isagana La Sheegayaa in Boqolkiiba %9 uu Khatar ugu Jiro Xanuunadan, Marka La Barbar-dhigo Dadka Seexda 6 Ilaa 8 Saacadood Maalintii.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga