Maamulka sare ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud wuxuu ku faraxsan yahay inuu la wadaago macaamiisha, saamilleyda iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay shahaadada caalaamiga ah oo ay summaddeedu tahay ISO 9001:2015.
Shahaadadan ayaa ah aqoonsi ka turjumaya in adeegyada shirkadda, sida: Isgaarsiinta qaybaheeda kala duwan, Internet-ka, EVC Plus, iyo sidoo kale daryeelka macaamiisha, iyo hab-maamulka guud ee shirkadda isgaarsiinta Hormuud ay waafaqsan yihiin habraaca caalaamiga ah ee halbeegiisu lagu asteeyay tayada wanaagsan.
Aqoonsigan ayaa ah natiijadii ka dhalatay sideed sano oo dadaal ah oo ay maamulka shirkadda Hormuud iyo waaxyeheeda kala duwan u galeen ka mira-dhalinta guushan. Dadaalladaas waxaa ka mid ahaa hubin iyo kormeer joogto ah (Internal Audit) ay samaynaysay Shirkadda Hormuud.
Sidoo kale Hayadda Halbeegyada Aduunka (International Standard Organization) ISO ayaa u soo dirtay xafiisyada shirkadda khubaro sameeya kormeero kala duwan (External Audit). Dhammaan Kormeeradaasi shirkadda Hormuud way ku guulaystay, waxayna ku mutaysatay shahaadada Hab Maamulka Tayaysan (Quality Management System Certificate) ee ISO 9001:2015.
Muddadii ay jirtay shirkadda Hormuud waxay in ka badan 35 kun oo shaqo ka abuurtay guud ahaan koonfurta iyo bartahama Soomaaliya.
Marka laga reebo bixinta adeegyada isgaarsiineed, waxay shirkadda Hormuud mar waliba qayb ka tahay samafalka bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada abaaraha, fatahaadaha, iyo u-gargaaridda bulshada Soomaaliyeed kuwooda mudan in la gacan qabto.
Ugu dambayn, Shirkadda Hormuud waxay sii wadi doontaa xasilinta himilooyinkeeda fog ee ku aadan iney noqoto isgaarsiinta ugu fiican geeska Afirca. Waxayna mar waliba u taagan tahay daryeelidda macaamiisheeda iyo in ay ugu adeegto habka ugu fiican uguna tayada wanaagsan.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga