Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa dalbaday in hore ay aqalka sare ee odayaashu u gudo galaan xil-ka-xayuubintiisa.

Aqalka Koongareeska ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne Trump kadib markii ay heleen cadaymo ku filan oo muujinaya in uu sameeyay ku-xadgudub-awoodeed, siagoo sidoo kale dawladda Ukraine ku cadaadiyay in ay baadhitaan ku samayso ninka la loolamaya ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga.

Donald Trump ayaa fariimop isadaba joog ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitter ku sheegay in uu rabo in hore loo bilaabo dhagaysiga dacwadda ka dhanka ah ee xil ka qaadista, maadaama uu taageero badan ku haysto aqalka sare ee Senate-ka.

Dimuqraadiyiinta ayaa raba in kiiskan aan hore loo gaadhsiin aqalka sare maadaama uu Trump awood ku leeyahay xildhibanada aqalkuna ay u badanyihiin kuwo kasoo jeeda xisbigiisa. Waxa ay ku doodayaan in aan Trump xilka laga qaadi doonin isla markaana ay odayaashu dafiri doonaan cadaymaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga