Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay weerar lagu qaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaas, halkaas oo shir uu uga socdo madaxda dawladda dhexe iyo kuwa maamul goboleedyada.

Illaa 3 qof ayaa ku dhaawacmay hoobiyayaal ay alShabab ku weerartay magaalada Dhuusamareeb xalay. Milatariga Soomaaliya gaar ahaan guutada 15-aad ee qaybta 21-aad ayaa tegay goobaha ay alShabab kasoo tuureen hoobiyayaasha, sida uu sheegay afhayeenka Galmudug. Afhayeenka wuxuu intaa ku daray in soo qabteen xubno ka tirsan alShabaab.

Magaalada Dhuusamareeb waxa ka socda shir u dhaxeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo dawlad goboleedyada dalka, si xal looga gaadho khilaafka doorashooyinka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga