Hoggaamiyayaasha adduunka ayaa wiiqaya xuquuqda aadanaha malaayiin qof oo leh siyaasado isdaba joog ah iyo hadalo naceyb ah, laakiin tallaabooyinkoodu waxay cambaareeyeen dhaqdhaqaaqyada caalamiga ah ee dibad baxyada, sida ay sheegen kooxda xuquuqda addaanaha.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin, iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa ka mid ahaa dhowr siyaasiyiin oo soo saaray siyaasado gooni gooni ah sannadkii 2017, sida lagu sheegay maanta warbixinta xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

“Fikradaha nacaybka ah iyo cabsida hadda lagu abuurayo dadka wax badan ayay u dhimaysaa ku dhaqanka xuquuda adaanaha, waxaanan haysanaa dawlado yar oo u taagan xuquuqda aadanaha waqtiyada dhibta badani ay haysato,” ayuu yidhi Salil Shetty, oo ah xoghayaha guud ee Amnesty.

“Taa baddalkeeda, hoggaamiyeyaasha ay ka mid yihiin madaxwaymaha maraykanka madaxwaynaha ruushka iyo Madaxwaynahya shiinaha ayaa si wacan u burburinaya xuquuqda malaayiin qof.

Xoghayaha guud ee Amnesty ayaa sidoo kale ku adkeeyay hoggaamiyeyaasha Masar, Filibiin iyo Venezuela.inay kusoo laabtaan ku dhaqanka xuquuda addaanaha,

Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee Waddamada Adduunka ayaa ku dhaleeceeyay xayiraadda Trump ee safarka socdaalka ee ku aaddan Maraykanka ee aw kusoo rogay in ka badan lix waddan oo muslimiin ah.

xukuumadda Venezuela ayaa adeegsaneysa xoog xoog looga soo horjeedo dibad-baxayaasha iyo dilalka sharci-darrada ah ee la dagaallanka daroogada ee Filibiin sida ay caddaynso siyaasada caalamiga ah ee xuquuqul insaanka.

In ka badan 20,000 oo qof ayaa lagu dilay Venezuela tan iyo bishii June 2016-ka sida lagu sheegay warbixinta.

Zeid Ra’ad Al-Hussein, oo ah madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay isticmaalka xad-dhaafka ah ee Venezuela ee ka dhanka ah dibad-baxayaasha dawladaha, isaga oo ku tilmaamaya ciidamada ammaanka ee dawladda iyo kooxaha hubaysan inay mas’uul ka ahaayeen dhimashadii mudaharaadayaasha bishii April iyo July ee sannadkii hore.

Si kastaba ha ahaatee, Hay’adda Amnesty International, ayaa sheegtay in ay soo badanayaan wadamada joojiyay ku dhaqanka xuquuda aaddanaha.

“Dhaqdhaqaaqayaasha ka socda aduunka oo dhan waxay ina xusuusinayaan in dagaalka lagula jiro xuquuqda aadanaha ee caalamiga ah had iyo jeer lagu guuleysto.

Waa markii ugu horreysay ee Amnesty soo daabacdo qiimeynta xuquuqda aadanaha ee sanadlaha ah – waxay bilowday 1961-kii.

“Kor u qaadidda, ilaalinta, iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ayaa muddo dheer socotay.
Warbixinta Amnesty – oo ka hadashay 159 dal – ayaa yimid iyada oo ay jiraan tiro ka mid ah dhibaatooyinka bani’aadamnimada ee ka socda adduunka oo dhan.

Yemen,qiyaastii 75 boqolkiiba dadku – waxay u baahan yihiin gargaar bani’aadamnimo ka dib saddex sano oo dagaal sokeeye, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dagaalka u dhaxeeya isbahaysiga Sacuudi Carabiya iyo dagaalamayaasha xuutiyiinta ayaa dilay in ka badan 10,000 oo qof tan iyo markii uu dagaalku dhacay bishii March 2015.

Sidoo-kale gudaha Myanmar ayaa ah tallaabo ay xukuumaddu kaga soo horjeedo Muslimiinta dagan dhulkaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga