Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Kim Jong Un Ayaa Gaadhay Dalka Singapore, Halkaasoo Uu Ka Dhici Doono Kulanka Taariikhiga Ah Ee Isaga Iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kim Jong Un Ayaa Diyaarad khaas Ah Ay Kasoo Qaaday Magaalada Pyongyang, Waxaa Garoonka Diyaaradaha Singapore Ku Soo Dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Dalkaas.

Diyaaradda Uu La Socday Kim Jong Un Oo Nooceedu Ahaa Ilyushin-62m Jet, Taasoo La Sheegay Inay Kusoo Hakatay Magaalo Ku Taalla Shiinaha Oo Ay Shidaal Ka Soo Qaadatay, Ka Hor Intaysan U Duulin Dalka Singapore.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump Ayaa La Filayaa In Goor Dambe Oo Axada Maanta Ah Uu Gaadho Singapore.

Kulanka Taariikhiga Ah Ee Labada Hoggaamiye Ayaa Maalinta Talaadada Ka Dhici Doona Jaziiradda Sentosa Ee Dalka Singapore.

Waxaa Uu Noqon Doonaa Markii U Horeysay Oo Hoggaamiye Waqooyi Kuuriya Uu La Kulmo Madaxweyne Mareykan Ah Oo Xafiiska Jooga

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga