Ayatullaahi Khumayni, hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iiraan, ayaa ku baaqay in la khaarajiyo madaxwaynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Qoraal lasoo geliyay barta Twitter, ayaa lagu lifaaqay sawirka madaxwayne Trump, waxaana lagu sheegay in la aar-gudan doono.

Shirkadda Twitter ayaa gebi ahaanba meesha ka saartay cinwaankaasi, waxaana ku sheegtay inuu yahay been-abuur, balse waxaa si toos ah loo soo geliyay barta rasmiga ah ee Khumayni.

Khumayni ayaa hore u sheegay in loo aar-gudi doono taliyihii ciidamada Quds ee uu Maraykanku ku dilay dalka Ciraaq Qaasim Sulaymaani.

Waxaa soo baxaya baaqyo loo soo jeedinayo shirkadda Twitter inay wax ka qabato hanjabaaddaasi.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga