Hogaamiyihii kooxd aalQaacida ee dlaka Yemen ayaa la dilay, sida uu ku waramay madaxweynaha waddanka Maraykanka, Donald Trump.

Qasim alRaymi ayaa lagu dilay hawl-gal ay ciidamada waddanka Maraykanku ka fuliyeen waddanka Yemen, sida uu sheegay Aqalka Cad ee Maraykanku. Ninkan ayuu Marykanku daydayay in muddo ah, isagoo la sheegay in uu ku lug lahaa weeraro ka dhacay qaar ka mid ah wadamada reer galbeedka.

Waxa talada ururka ee dalka Yemen iyo guud ahaan jasiirad-la-moodda carabta uu la wareegay markii weerar ay fuliyeen diyaaradaha aan cidi wadin ee dawladda Maraykanku lagu dilay hogaamiyihii isaga ka horeeyay ee alQaacidada carabta, oo fadhigoodu yahay waddanka Yemen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga