Dalka masar ayaa martigaliyay shir madaxeed degdeg ahaa oo ay iskugu yimaadeen madaxda midawga afrika.

Shir-madaxeedka waxa shirgudoominaya madaxwyenaha dlalka masar cabdi alsii oo imika haya hogaanka midawga afrika.

Shirka ayaa lagu faaqidi doonaa xaaladaha cakiran ee ka jira wadamadda sudan iyo liibiya oo qalalaase siyaasdeed uu ka jiray mudooyinkii ugu danbeeyay.

Dalka liibya waxa ka socda dagaalo culus oo lagu kala difaacanayo gacan ku haynta magaalada caasimadda ah ee tripoli, halkaas oo ay ku loolamayaan ciidanka daacadda u ah gen khalifa xaftar iyo ciidamada uu wato raysalwasare fais alxiraj oo madax ka ah dawladda ay aqoonsatahay Qaramada midoobay.

Madaxweynha dalka masar oo uu dalkiisu shirkan martigalinayo ayaa xulafo dhaw la ah gen khalifa haftar.

Dhanka dalka sudanna wAxa wali ka socda mudarahadada ay dadku ku dalbanyaan in gacantooda talada lagusoo celiyo, inkasta oo ay ku gulaysteen in madaxweyne albashirr ay xukunka dhaafiyaan.

Marka la joogo sudan, madaxweyne sisi wuxuu la dhacsanyahay xukunka milatariga oo uu gacansaar la leeyahay.

Madaxda, midawga afrika ayaa la filaya in ay qaararo kasoo saaraan xaaladaha wadamadan kadib labada shir-madaxeed.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga