Hoggaamiyeyaasha Waqooyiga Iyo Koonfurta Kuuriya Ayaa Isku Raacay In Ay Kulmaan 18-Ka September Si Ay Uga Wadahadlaan “Tallaabooyin Wax Ku ool Ah” oo Lagu Joojinayo Barnaamijka Hubka Nukliyeerka.

Hogaamiyeyaasha Koonfurta iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa Ku kulmi doona caasimadda Waqooyiga Kuuriya ee Pyongyang, iyadoo hogaamiyaha waqooyiga Kuuriya uu mar kale ku celiyay sida ay uga go’an tahay Burburinta Hubka Nukliyeerka Ee Dalkiisa.

Hoggaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Ayaa Sheegay In Ay Taagan Tahay Duruuf Iyo Rabitaankiisa Ah In Dalka Laga Saaro Khatarta Dagaal kusoo Foodleh, Kaas Oo Soo Jiidaya Hubka Nukliyaarka, Sida Ay Sheegtay Wakaaladda Wararka Ee Kcna.

Bishii La Soo Dhaafay Madaxwaynaha Maraykanka ayaa Hakiyey Booqasho Uu Xogheyisiiha Arimaha Dibada Mike Pompeo Ku Tagi Lahaa, Pyongyang .

Madaxda Kuuriyada Koonfureed Ayaa Markii Ugu Horeysay Ku Dhawaaqay In Hogaamiyaha Waqooyiga Kuuriya Uu Soo Bandhigay Wakhti Suurtagal Ah Oo Lagu Joojinayo Barnaamijkiisa Hubka Nukliyeerka

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga