Hogaamiyaha la wareegay talada dalka Mali ayaa la kulmaya qaar ka mid ah madada dawladaha galbeedka qaaradda Afrika, si uu ugala xaajoodoo xaaladihii ugu danbeeyay ee dalka Mali oo siyaasad ahaanq asan.

Kronayl Assimi Goita ayaa tagaya waddanka Ghana halkaas oo uu kaga qayb galayop shir madaxeed ay leeyihiin ururka ECOWAS ee ay ku midaysanyihiin wadamada galbeedka qaaradda Afrika oo Mali ay ku jirto.

Madaxda galbeedka Afrika ayaa si dhakhso ah ugu yeedhay kornaylka iyadoo 15-ka xubnood ee ECOWAS ay kasoo xaadiri doonaan.

Waxay kala hadlayaan sida ay u dhacday in muddo 9 bilood ah uu laba jeer afganbi ka dhaco dalka Mali.

Galinka danbe ee Axadda maanta ayuu kulanku ka dhacay magaalada Accra ee caasimadda dalka Ghana, sida uu ku waramay xafiiska madaxweynaha ee dalka Mali.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga