Hogaamiyaha kooxda alShababa ayaa markii ugu horeysay qayb ahaan la arkay, isagoo muuqaal iska soo duubay.

Abu Cubayda ayaa la arkay isagoo la hadlaya dagaalyahano ka tirsan kooxdiisa, isagoo ku dhiirigalinaya in ay beegsadaan ciidanka Maraykanka ee ku sugan Soomaaliya. Inkasta oo aan ninkan si dhammaystiran loo arag, hadana camerada ayaa qabanaysa garbihisiisa iyo gacantiisa, iyadoo la arkayo tilmaamaha uu siinayo xubno ka tirsan alShabab oo hor fadhiyay.

Hogaamiyaha alShabab wuxuu balanqaaday in ay imika wixii ka danbeeya beegsandoonaan ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya jooga, gaar ahaan kuwa ku sugan xerada Ballidoogle oo dhawaan ay kooxdu weerar ku qaaday.

Maraykanka ayaa hore u balanqaaday in ay ku abaal-marin doonaan lacag dhan $6million qofkii soo sheega macluumaad ku saabsan halka uu joogo Abu Cubayda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga