Hoggaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta Ayaa Ku Fashilmay In Ay Ka Wada Hadlaan Weerarrada Maraykanka iyo Xuladafiisu Ka Gaysanayaan Suuriya.

Shirka Ururka Jaamacada Carabta Oo Ka Furmay Saudi Arabia Axaddii, Maalin Kadib Weerarradii Isdaba Joogga Ahaa Ee Maraykanka, Ingiriiska Iyo Faransiisku ka Gaysteen Saddex Goobood Oo kamida Suuriya. Ayaan Gabi Ahaanba Lagusoo Hadal Qaadin,

Sida Laga Soo Xigtay Afhayeenka Guud Ee Ururka Jaamacada Carabta, Hoggaamiyeyaashu Waxay Ahaayeen Inay Ka Wada Hadlaan Iskahorimaadka Suuriya,

Hoggaamiyaasha Carbeed Waxay Ku Baaqeen in Baadhitaan Caalami Ah Lagu Sameeyo. Iyada Oo Lagu Cambaaraynayo Isticmaalka Hubka Kiimikada Xukuumada Suuriya. “Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Saudi Arabia Adel Al-Jubeir Ayaa Warbaahinta U Sheegay Hadalkaasi.

Sacuudi Carabiya, Bahrain Iyo Qatar Ayaa Hore Waxay U Soo Saareen Hadalo Ay Ku Tageerayaan Weerarada Maraykanka Iyo Xulafadiisu Ka Gaysanayaan Suuriya, Halka Masar, Ciraaq Iyo Lubnaan Ay Walaac Ka Muujiyeen.

Falanqeeyaha Siyaasadda Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Ay Ahayd “Wax Laga Xumaado” In Weerarradii Dhawaan Ka Dhacay Suuriya Aysan Ku Jirin Ajandaha Shirka Ururka Jaamacada Carabta.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga