Xogaha ay helayaan qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanku ayaa tilmaamaya in la dilay hogaamiyaha sida wayn loo baadi-goobayo ee kooxda Daacish, ninka lagu magacaabo Abu Bakar alBaqdaadi oo Maraykanku uu u aqoonsanyahay argagixiso.

Wararku waxay sheegayaan in ninkan lagu dilay duqayn ay fuliyeen ciidanka gaarka ah ee dalka maraykanku, balse wali ma jiro war caddaynaya oo kasoo baxay Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka ama wasaaradda Pentagon-ka.

AlBaqdaadi ayuu Maraykanku dul dhigay $10M oo qofkii macluumaad ku saabsan soo sheega lasiin doono. Ninkan ayay da’diisu tahay 48.

Deegaan ku yaala waqooyigalbeed Suuriya ayaa lagu dilay, sida ay ku waramayso warbaahinta Maraykanku.

Madaxweyne Trump ayaa goor dhow la filayaa in uu shir jaraa’id qabto, waxaana uu ka hadli doonaa arinta.

WARARKA KASOO KORDHA KALA SOCO SAABTV.COM

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga