Hindiya xanuunka Covid-19 ayaa si xawli ah ugu fidaya, iyadoo tirada kiisasku ay kordheen maalmihii lasoo dhaafay.

1 million ayay sare u dhaafeen tirada kiisaska ay dawladdu xaqiijisay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay. 35,000 oo kiisaskan ka mid ah waxa la diwaangaliyay maalintii Khamiista oo kaliya.

Hindiya waxa sadexaynaysaa Maraykanka iyo Brazil oo iyagu hogaaminaya wadamada kiisaska ugu badan laga helay. Waa saddexda waddan ee kiisaskoodu ay kor mareen 1 million oo kiis. Hindiya waxa badan tirada dadka xanuunka ka bogsanaya, halka tirada dhimashaduna ay yartahay marka la is barbardhigo guud ahaan. 25,000 oo qof ayay dhimashadu maraysaa, waana waddanka 8-aad ee ugu dhimashada badan guud ahaan caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga