Dalka Hindiya waxa sii xogaysanaya dibad baxyada ay dadku dhigayaan, iyadoo ay ka cadhoodeen sharciga muwaadinnimada.

Raysalwasaare Nrendra Modi ayaa iskugu yeedhay golahiisa wasiirada si ay uga arinsadaan xaalada taagan.

Illaa 20 qof oo wiil caruur ahi uu ku jiray ayaa ku nafwaayay rabshadaha tan iyo markii ay bilawdeen.

Baarlamanka Hindiya ayaa meel mariyay sharci cadho badani ay ka dhalatay, kaas ku saabsan dhalashada ama muwaadinnimada. Waxa lagu canaantay in sharcigu uu meel kaga dhacayo dadka muslimiinta ah, isla markaana uu xuquuqda dafirayo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga