Wadamada Hindiya iyo Shiinaha ayaa ku guul daraystay in ay xal u helaan muranka xadka ee u dhexeeya labada waddan iyadoo xiisad culusi ay maalmihii lasoo dhaafay ka taagnayd xadka u dhexeeya.

Wada hadal u dhexeeyay saraakiisha labada waddan ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan iyadoo aan la kala qaadin ciidamo isku hor fadhiya xadka oo ka kala socda Hindiya iyo Shiinaha.

Deegaanka Ladakh oo cimilo xumo ay kajirtay muddooyinkii dhawaa ayay xiisaddu cirka isku sii shareeraysaa iyadoo isku dhacyo laga baqayo.

Hindiya iyo Shiinaha oo xad wadaaga ayaa ku muransan deegaano uu mid waliba sheegto, marar badanna ku dagaalameen milatarigoodu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga