Dawladda Hindiya ayaa fasaxday in si cayiman loo furo dukaamada meelo kamid ah dalkaasi kuwaas oo ay ku sheegtay in khatarta faafintaanka xanuunka Coronavirus ay yartahay kadib bilo markii dalkaasi lagu soo rogay xayiraado adag.

Wasiirka arrimaha gudaha federaalka Hindiya, ayaa maalitnii Jimcihii sheegay in dukaamada yaryar ee alaabaha u iibiya tafaariiqdu shaqadooda dib u bilaabi karaan maalinta Sabti iyagoo buuxinaya shardiga ah dhimidda shaqaalahooda 50%, fulinayana amarka kala fogaansha bulshada iyo xidhashada af-saarrada iyo galoofisyada gacmaha lagu xidho.

Iibintii Khamriga iyo alaabaha aan daruuriga ahayn, ayaa mamnuuc sii ahaan doono, iyadoo meelaha aadka layskugu yimaaddona ay xidhnaan doonaan illaa bisha May saddexdeeda illaa inta uu dhammaanayo xayiraadaha guud ee dalkaasi lagu soo rogay.

Dalka Hindiya jaarka la ah ee Pakistan, ayaa kordhiyay muddada xayiraadaha, taas oo uu dalka oo dhani uu xidhnaan doono illaa bisha May 9.

Balse dawladda dalkaasi ayaa u muuqata mid aad u taxaddaraysa iyadoo qaar kamid ah warshadaha iyo dhaqdhaqaaqyo ganacsi la ogolaaday inkasta oo ay dawaddu amarro kusoo rogtay lagu xakamaynayo xanuunka.

Muslimiinta dalka  Pakistan ayaa sawirro si wayn baraha bulshada loogu faafiyay lagu arkayay iyagoo aad u kala durkay salaadaha ay kamidka tahay Taraawiixdu.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga