Wararka ka imanaya gobolka  Andhra Pradesh ee dalka Hindiya ayaa waxay sheegayaan in 10 qof ay geeryoodeen, kadib markii ay cabbeen dawada lagu nadiifiyo gacmaha ee jeermiska ka disha.

Sababta dadkan ku kalliftay inay cabbaan dawadan, ayaa lagu sheegay inay tahay kadib markii la xidhay dukaamadii Khamriga lagu iibinayay ee magaalo katirsan gobolkaas, iyadoo dadku ay mirqaan iyo raaxo ka raadinayeen dawada jeermiska gacmaha ka disha kadib markii khamrigii uu joogsaday xayiraadihii Coronavirus dartood, iyagoo bedelkeeda dawadani tahay mid si fudud lagu heli karo.

Masuuliyiinta federaalka Hindiya waxay sheegeen, in cudurku ku faafay gobolkaasi muddooyinkii ugu dambeeyay, iyadoo tiradu kor u kacday.

Wararkii ugu dambeeyay kala soco Saab TV.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga