Gudoomiyahii gobolka Hiiraan, Cali Muxumed Carraale, ayaa weli ku adkaysanaya inuu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee gobolka Hiiraan, isagoo ka horyimid xil-ka-qaadistii uu maalin kahor ku sameeyay madaxwaynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

sidoo kale waxaa socoda dedaallo lagu xallinayo xiisadda ka dhalata xil-ka-qaadista guddoomiye Carraale, iyadoo saacadihii u dambeeyay wadahallo dhanka khadka telefanka ah yeesheen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo guddoomiyaha xilka laga qaaday diiday ee Carraale.

Illaa hadda ma jiraan wax natiijooyin ah oo wada-hadalladaas kasoo baxay, dhanka guddoomiyaha xilka laga qaaday Mr. Carraale, ayaa deggan aqalka maamulka gobolka looga arrimiyo, mana jirto wax natiijooyin ah oo wada hadalladaas kasoo baxay.

 

Guddoomiye Carraale, oo shalay galab shir jiraaid ku qabatay magaalada Beledwayne, ayaa sheegay inu yahay guddoomiyaha saxda ah ah ee gobolka isagoo sheegay inaanu  xilka ka qaadi karin madaxweyne Waare sabaabo uu ku sheegay inu dhamaaday muddo xilkeedka madaxweyanaha laguna jiro lixidii  bilood ee ugu dambeeyay xil-haaynta madaxwayne Waare.

Kala soco wararkii ugu dambeeyay Saab TV, waa meesha kuugu dhow ee aad ka heli karto warar xaqiiqada ku sal leh.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga