Maraykanku wuxuu dalbaday in la kordhiyo mudada uu sii socon doono heshiiskii dhanka nukliyeerka ee u dhaxeeyay Maraykanka iyo Ruushka.

Heshiiska ayaa dhamaanaya bisha inaguoo foolka leh ee Februaury, iyadoo ka dhigaysay heshiiskii ugu danbeeyay ee dhanka hubka ah ee u dhaxeeyay quwadaha dunida Maraykanka iyo Ruushka.

Afhayeenka Aqalka Cad ayaa sheegay in maamulka cusub ee madaxweyne Joe Biden uu dalbanayo muddo shan sanno ah oo kale, si uu usii jiro heshiisku.

Heshiiska ayaa xadidayay samaysashada hubka wax gumaada ee nukliyeerka ee labada waddan, taas oo markii uu dhamaaday ka dhigaysay labada waddan in ay farsamayn karaan xaddiga ay doonaan ee madaxyada nukliyeerkaah. 

Baaqa Maraykanka ayaa yimi maalin kadib markii aqalka Kremlin-ka ee looga arimiyo Ruushku uu sheegay in Moscow ay danaynayso shan sanno oo heshiiska lasii dheereeyo, iyadoo dhinacyadu aanay wax shuruud ah isku xidhin.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga