Secretary of State Mike Pompeo speaks during a news conference at the State Department in Washington, Wednesday, Oct. 21, 2020. (Nicholas Kamm/Pool via AP)

Maraykanku wuxuu sanado kadib xayiraado badan ka qaadayaa jasiiradda Taywan, sida uu sheegay xoghayaha arimaha dibadda ee dalka Maraykanku.

Dhammaan hay’adaha Maraykanka ayaa loo fasaxayaa in ay xidhiidh toos ah iyo wada shaqayn la yeelayn karaan hay’adaha dhigooda ah ee Taywan.

Waa tallaabo mar kale ka cadhaysiinaysa dalweynaha Shiinaha oo sheegta jasiiradan, balse aan maamulin.

Washigton waxay go’aankan ku dhawaaqday xili Trump ay maalmo kooban uga hadheen xafiiska, isla markaana aan la ogayn siyaasadaha maamulka xiga ee Joe Biden.

Dawladda Taywan waxay si diiran usoo dhawaysay go’aanka dawladda Maraykanka.

“Sanado go’doon ah ayaa la qaaday, waxay u tahay maalin wayn xidhiidhkeena laba geesoodka ah” ayay tidhi danjiraha Taywan u fadhida Washington.

Wasaaradda arimaha dibadda ee Taywan ayaa sidoo kale soo dhawayay warkan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga