Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la baadhinayaa iyadoo imika la wado qorshe la rabo in lagu kordhiyo hawl-galka.

golaha Amniga iyo Nabadda ee Midawga Afrika ayaa taageeray qorshaha imika socda ee lagu balaadhinayo hawl-galka Midawga Afrika ee Soomaaliya.

Qorshahan cusub ayaa ah in wixii ka danbeeya sanadkan 2021, ay gudaha Soomaaliya ka hawl galaan ciidamo si wada jira uga socda Qaramada Midoobay iyo Midawga Afrika, halka markii hore ay kaliya ku ekayd AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa sanad walba lookordhiyaa mudada ay joogayaan Soomaaliya, maadaama aanay ciidamada Soomaaliya awoodin in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga