Haatan, haweenka Sacuudigu hubka way qaadan karaan, iyagoo ku biiri kara Militariga, boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa u furtay haweenka, inay ku biiri karaan ciidamada Militariga, sida ay ku warrantay mareegta Arab News, oo fadhigeedu yahay boqortooyada.

Arrintani ayaa qayb ka ah, qorshaha dhaxal-sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, uu ku furfurayo dalkaasi, isla markaana shaqooyin badan ugu furayo dumarka.

Waa wax caadi ah in la arko gabdho ka shaqaynaya Sacuudiga shaqooyin aan markii hore loo ogolaan jirn, sida inay makhaayad ama goob laga dukaamaysto ay ka noqoto ”Khasnaji”, taas oo ragga u gaar ahaan jirtay.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xorriyadda haweenka, ayaa sheegaya inay jiraan weli tallaabooyin kale oo ay muhiim tahay in la qaado, si loo sugo xorriyadda haweenka.

SAAB TV, isha xogta laga helo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga