Wargeyska Foore oo ka soo bixi jiray Magaaladda Hargeysa, hasayeeshee ay maxakamadda Gobolka Maroodi jeex xayiraad saartay ayaa saaka dib loo fasaxay.

Xiyaaradan ay Maxakamadda Gobolka Maroodi Jeex saartay wargeyskaasi oo ahayd muddo hal sano ah, ka dib markii lagu soo eedeeyay in uu qoray Warar Lidi ku ah qaranka, ayaa waxa ay ka qaateen rafcaan.

Garyaqaan Mubaarak Cabdi Ismaaciil oo u doodayay Wargeyskaasi ayaa sheegay in Maxakamadda Rafcaanka ee Gobolka Maroodi jeex markii ay dhagaysatay kiiska Lagu Xayiray Wargeyskaasi, ugu danbayn ay go’aamisay in  laga qaado Xayiraadii, isla markaana uu dib u bilaabo hawlihisii shaqo.

Warkan oo faahfaahsan goor dhaw filo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga