Hargaysa:(SAABTV)- Magaaladda Hargaysa,ayaa waxa la deris ah waddo-xumo iyo saxmad dhibaato weyn ku haysa Kobaca dhaqaale iyo Ganacsi ee Magaaladda.

Dadweynaha Caasimadda Hargaysa,ayaa saaka kusoo toosay Gaadhi weyn oo Xamuul ah oo alaabo badan sida,kaas oo gadoomay,ka dib Godad waaweyn oo ka dhex-dilaacay Badhtamaha Jidka Wadnaha ah ee dhex-mara Suuqa,gaar ahaana, Agagaarka Tiyaartarka Hargaysa oo Inka yar Boqol Talaabo u jirta Xarunta Dawladda Hoose ee Hargaysa.

Wariye Ka Tirsan Tv-ga SAAB,ayaa ku waramaya in aan ilaa hadda la ogayn Khasaare Nafeed ee ka dhashay Shilkaasi,balse halkaas uu khasaare balaadhani kasoo gaadhay Hantidii uu siday Gaadhigu.

Hargaysa oo ay ku nool yihiin Dad ka badan Hal miylan oo ruux,ayaa aad ugu liidata Adeegyadda Bulshadda gaar ahaana,Biyaha iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha oo ay ugu horeeyaan Jidadku.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga