Daraasad cusub oo ay samaysay jaamacadda University College London ee waddanka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in dadka lacagtaa haystaa ay ka cimri dheeryihiin kuwa faqiirka ah, marka la eego arimo badan oo sabab u ah.

Jaamacadda oo daraasadda ku samaysay dad gaadhaya 25,000 oo qof, da’dooduna ka wayntahay 50-sanno, ayaa ogaatay in jeebkoodu uu liito ay u nugul yihiin xanuunada iyo laxaadka oo uu qofku qayb waayo.

Dadka hantida badan leh ayay daraasaddu ogaatay in jaaniska uu xanuun ula noolaan karaa ay yartahay, maadaama uu heli karo daawaynta uu u baahanyahay oo dhan, halka qofka faqiirka ahna ay suurtagal tahay in uu u geeriyoodo daryeel-la’aan caafimaad.

Celcelis ahaan waxa la qiyaasay in 10-sanno ay suurtagal tahay in uu u dhaxeeyo cimriga qofka hantida badan leh iyo kan aan waxba haysan.

Arintan ayaa daaha ka faydaysa sinnaan-la’aanta helida adeegyada caafimaadka ee muhiimka ah, taas oo aduunyadu ay hadda la dagaalamayso.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga