Hay’adda lacagaha dunida ee IMF ayaa mar kale ka digtay dib u dhac ku yimaada doorashooyinka dalka Soomaaliya oo saamayn ku yeelanaya hanaanka dayn cafinta iyo daah furnaanta dhaqaalaha ee Soomaaliya.
IMF waxay sheegtay in hadii doorashooyinka la qaban waayo ay suurta gal tahay in ay hakiyaan wada shaqyanta ay la leeyihiin dawladda Soomaaliya, iyo hawlaha socda ee ay wada wadaan labada dhinac.
Hay’adda Lacagta Dunidu waxay sidoo kale ka digtay in ay Soomaaliyav waayi doonto taageerada dhaqaale ee dibadda hadii doorashooyinku qabsoomi waayaan.