Waxaa Wali Taagan Khilaafka u Dhaxeeya Xisbiyadda Siyaasadda Somaliland  oo Ku Kala Qayb Samay Qaabkii Loo Wajihi Lahaa Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo Wakiiladda Somaliland.

Xisbiyadda Qaar ayaa Qaba in Lakala Diro Gudida Doorashooyinka oo ay shegeen in ay Cid Garaa u Xaglinayaan.

Doorashooyinka Gollaha Wakiiladda Somaliland ayaa Markii Shanaad Dib u dhac Ku Yimid iyadoona taa Badalkeeda Madaxwaynaha Somaliland uu Golaha Guurtidda uu u Gudbiyey muddo Kordhinta Golaha Wakiiladda.

Khubaro Dhanka Siyaaddda ah ayaa SAAB TV u Xaqiijiyey in Dib u dhaca ku imanaya Doorashooyinka Somaliland ay Tahay Mid Caqabad Ku ah Hanaanka Dimuqraadiyadda ka Hana Qaaday Somaliland.

“Doorashooyinka in la Qabto Cid ayaa ka Masuula Xiligoodda in ay Dhacaana Cid ayaa ka Masuula Sabab alaala Sabab ay dib u dhigis iyo Kordhis Meesha usoo Galaana Ma Garanayo,” ayuu Yidhi Aqoonyahan Cabdikariim Axmed Mooge oo la Hadlaayey SAAB TV.

“Somaliland Hadii la Rabo in  ay Wanaag Sanaato Doorashooyinku waa in ay Xiligooda Dhacaan,”ayuu Hadalkiisa sii Raciiyey Cabdikariim Axmed Mooge.

Xisbiga Waddani oo ah Xisbiga Labaad ee ugu Aqlabiyadda Badan Xisbiyadda Somaliland ayaa isagu sheegay in ay Diyaar u Yihiin Qabsoomidda Doorashooyinka, Balse Waxa ay Shegeen in aanay Aqbali Doonin in Komishanka Hada Jooga ay Doorashooyin u Qabtaan iyagoo Madaxwaynaha Hadda Taladda Haya ku edeeyay in aanu Raali ka ahayn in Lakala Diro Gudida Komishanka Doorashoyinka.

Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ayaa isagu Hore u Sheegay in aanu Awood u Lahayn in uu Kala Diro Gudida Komishanka Doorashinka.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa isaguna Qaba in Komishanka Hada Jooga La Kordhiyo Balse aanay Suurtagal ahayn in Hada Komishan Cusub la Keeno.

Arinta Kale ee Khilaafka Cirka usii Shareertay ayaa ah heshiis ay Todobaadkan Gudihiisa Gaadheen Xisbiga Talada Haya iyo Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, iyagoo ku Heshiiyey in la Kordhiyo Gudida Komishanka Doorashooyinka.

Dib u Dhaca Doorashooyinka Somaliland.

Somaliland oo Dalwaynaha Soomaaliya ka Go’day Sanadkii 1991-Kii ayaa Ku Guulaysatay in ay Ka hana Qadaan Doorashooyin Hal Qof iyo Hal Codda oo aanay in Badan oo Kamida Deegaanadda Soomaalida ka dhicin.

Dad Badan oo Falanqeeya Arimaha Doorashooyinka iyo Siyaadda ayaa Qaba in isha Kaliya ee ay Somaliland ku Hana qaaday ay tahay Doorashooyinka Hal Qof iyo Hal Codda, iyagoo Sheegay in Dib udhaca Ku Imanaya Doorashooyinka Somaliland ay Dhaawici Karto Nimaadka Dimuqraadiyadda ee ay Somaliland Ku Caana Maashay.

Golaha Guuritdda Somaliland ayaa Waxaa Horyaala Muddo Kordhinta Golaha Wakiiladda oo uu Madaxwaynaha Somaliland usoo Gudbiyey, iyo Waliba Fikradaha Xisbiyaddu ay ka Qabaan Muddo Kordintaasi.

Deeq Bixiyaasha Caalamka, Wadamadda Somaliland ka Tageera Arimaha Doorashooyinka, iyo Waliba Bulshowaynta Somaliland ayaa isha Ku Haya go’aanka ay Golaha Guurtidda Somaliland ka Gaadhi Doonan Muddo Kordhinta Madaxwaynaha Somaliland u Gudbiyey oo la Filayo in Horaanta Todobaadkan Fooda inagusoo Haya ay Ku Dhawaaqi Donaan.

Sidee Lagu Xalin Karayaa Khilaafka?

Khubaradda Dhanka Siyaadadda ayaa Qaba in Xalka Kaliya ee Doorashooyinku ku Dhici Karaan, Khilaafkuna ku Dhamaan Karo ay Naqonkarto Laba Mid.

in Xisbigga Waddani uu Ka Tanaasulo Go’aankiisa ah in Lakala Diro Gudida komishanka Doorashooyinka, Taa Badalkeeda uu ku Raaco Go’aankii ay Qateen Labadda Xisbi ee Kale, ee ah in la Kordhiyo Tiradda ay ka Kooban yihiin Gudida Komishanka Doorashooyinka.

Qodobka Labaad ayaa naqon Kara in ay iscasilaan Gudida Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo Xisbiga Waddani uu Kalsoonidii Kala Noqday.

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga