Hoggaamiyayaasha Dawlad Goboleedyada Oo Shan Maalmood Ku Shirsanaa Magaalada Kismaayo, Ayaa Sheegay In Xidhiidhkii ay U Jareen Dawladda Dhexe Ee Soomaaliya, Waxaana Ay Ku Eedeeyeen In Dawladda Dhexe Ay Fara Galin Ku Hayso.

Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Oo La aasaasay Dhammaadka Sannadkii 2017, Ayaa Waxa Uu Ka Dhashay Qaar Ka Mid A Dawlad Goboleedyada Oo Ka Hor Yimi Mowqifkii Dawladda Soomaaliya Ay Ka Qaadatay Xiisadda Dalalka Khaliijka.

Madaxda Ayaa Shirkoodii Koowaad Ba Ku Soo Saaray War Murtiyeed, Ay Ku Sheegeen In Ay Joojiyeen Wada Shaqayntii Ay La Lahaayeen Dawladda Dhexe.

Muxuu Salka Ku Hayaa Khilaafka Dawlad Goboleedyada Iyo Dawladda Dhexe.

Nidaamka Federaaliisamka Ayaa Ah Mid aanay Dadka Soomaalidu Fahansanayn, Xitaa Mararka Qaar Madaxda Dawlad Goboleedyada Ayaa Laga Dareemaa In aanay Fahansanayn, Taasi Oo Keenta Khilaaf Joogto Ah Iyo Isqabqabsi Ka Dhexeeya Dawladda Dhexe Iyo Maamul Goboleedyada.

Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, Ayaa Wasaaradaha Maaliyadda Ee Dawlad Goboleedyada Ka Dalbatay In Ay Keenaan Xisaab Xidhka Lacag Ay Dawladda Dhexe Ku Kabto Miisaaniyadaha Dawlad Goboleedyada. Xilliga Warqaddu Soo Baxday Ayaa Ah Xilli Ay Madaxda Maamul Goboleedyadu Ku Shirsanaayeen Magaalada Kismaayo, Taasi Oo Ka Cadhaysiisay Hoggaamiyayaashii Dawlad Goboleedyada.

Dawladda Dhexe Ayaa Sanadkan 23 Milyan Oo Doolar U Qoondaysay In Lagu Kabo Miisaaniyadda Maamul Goboleedyada. Lacagtaas Ay Dawladda Dhexe Siiso Dawlad Goboleedyada, Ayaan Laga Samayn Jirin Wax Xisaab Celin Ah, Waana Ta Keentay In Madaxda Dawlad Goboleedyadu Ay Soo Saaraan War Murtiyeed Midaysan Oo Ay Cadho Ka Muuqato. Taasi Ayaa Loo aanayn Karaa Sababo Badan, Oo Qarsoon, Kuwaas Oo Keenay In Dawladda Dhexe Ay Xidhiidhkii U Jaraan.

Xukuumadda Uu Hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaao, Oo Arrimaha Dibedda Ka Samaysay Horumar La Taaban Karo, Ayaa Madaxdii Dawlad Goboleedyada Galisay God Madaw, Iyada Oo ay Joogsadeen Safaradii Ay Madaxda Dawlad Goboleedyadu Ku Tagi Jireen Dalalka Jaarka, Gaar Ahaan Itoobiya.

Madaxda Dawlad Goboleedyada, Ayaa Dhamaantood Muddo Xileedkoodu Ku Dhaw yahay Gabo Gabo. Madaxweynayaasha Ayaa Waxa Muddo Xileedkooda Celcelis Ahaan Waxa Uga Dhiman 8 Bilood Midkiiba, Doorashooyinka Ku Soo Foodda Leh Iyo Olole Ay Ku Doonayaan In Ay Kuraasta Ku Soo Laabtaan Ayaa Isna Keeni Kara Khilaafkan Ay Ka Midaysan Yihiin Ee Kala Dhexeeya Dawladda Dhexe.

Badhtamihii Bishii aan Ka Soo Gudubnay, Ayaa Saraakiil Dhanka Sirdoonka , Oo Ay Dawladda Dhexe U Magacawday Deegaanada Jubaland Laga Soo Celiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Kismaayo.

Maamul Goboleedka Jubbaland, Ayaa ky Sheegay Sababta Saraakiishan Loo Celiyay Ay Tahay In aan Deeegaanada Jubbaland Ayna Ka Jirin Ciidanka Sirdoonka Ee Nisa.

Khilaaf Dhanka Ciidamada Sirdoonka Ah, Ayaa Ka Dhex Taagan Maamul Goboleedyada Iyo Dawladda Dhexe. Iyada Oo Ay Shireen Madaxda Maamul Goboleedyada Iyo Madaxda Dawladda Dhexe, Haddana Shirarkaa Lagagama Doodo Arrimaha Khilaafka, Balse Waxa Lagaga Doodaa Arrimo Laga Midaysan Yahay, Taasi Oo Shirarkooda Ka Dhigtay Kuwo aanay Wax Buurani Ka Soo Bixin.

Sababahaas Iyo Kuwo Kale Oo Qarsoon Ayaa Loo aanayn Karaa Khilaafka Ka Dhex Taagan Maamul Goboleedyada Soomaaliya Iyo Dawladda Dhexe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga