Madaxweynaha Somaliland ayaa ku gudo jira socdaal uu maalintii labaad ku joogo magaalada Addis Ababa ee caasimadda waddanka Itoobiya, halkaas oo uu rabo in uu la kulmo qaar ka mid ah madaxda qaaradda Afrika.

Muuse Biixi Cabdi ayaan martiqaad rasmi ah ka helin Itoobiya, balse waa fursad uu kusoo bandhigi karo qadiyadda dalkiisa oo 30-sanno muddo ku dhow raadinaya aqoonsi caalami ah. Mr. Biixi oo si aan hore loo arag Addis loogusoo dhaweeyay socdaalkiisan oo ahaa kii ugu horeeyy ee uu ku tago magaalada, ayaa damacsan in ay is arkaan madaxda Afrika, sida madaxweynaha Koonfurta Afrika iyo madaxda kale intii uu ka gaadho.

Intii uu ku sugnaa magaalada waxa uu la kulmay diblomaasiyiin shisheeye balse wali ma jiro hal madaxweyne oo si toos ah ay u kulmeen, xili ay socdaan dedaalada uu ku soonayo in uu qadiyadda dalkiisa u iibgeeyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay adaxweynaha kulmeen wasiiro ka tirsan dawladda Sudan.

Dhanka kale, wuxuu hotel-ka uu degenyahay kula kulmay gudoomiyaha xisbiga mucaaridka Somaliland ee WADDANI, kaas oo ay arimo dhawr ah isla soo qaadeen, waxaana kulankaas goob joog ka ahaa siyaasiyiin reer Somaliland ah.

Madaxweyne Biixi wuxuu joogi doonaa Addis, inkasta oo shirka madaxda Afrika hadda lasoo afmeeray. Dedaalo ay diblomaasiyiinta qaar wadeen ayaan guulaysan, kaas oo lagu doonayay in lagu kulansiiyo Farmaajo iyo Biixi.

Wararka kale ee kasoo kordha safarka adaxweynaha, waxaad goor aksta ka heli kartaan SAABTV.COM/

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga