Magaaladda Burco Waa Xarunta Gobalka Togdheer Waana Caasimadda Labaad ee Somaliland, Waxay Hore u Lahayd Madaar ay diyaaraduhu Kasoo Dagaan Soona Cago Dhistaan, Kaas oo ay Kasoo Dagi Jireen Qurba Joogta Ku Dhaqan Daafaha Dunida, Sidoo Kalena Laga Qaadi Jiray Dadka Doonaya in ay Soo Gutaan Waajibaadka Xajka iyo Cumradda.

Waxaa Kale oo Kasoo Degi Jiray Diyaaradaha Qaramadda Midoobay ee Sidda Masuuliyiinta ka Socda Hay’adda Haasi.

Hadda Garoonki ma Shaqeeyo oo Wuu Xidhan Yahay.

Sannadkii 2011-kii ayaa Xukuumadii Kulmiye ee uu Hogaaminayey Madaxwayne Siilaanyo Sheegtay in Madaarka Burco uu Kamid Yahay Saddexda Madaar ee La Balaadhinayo Lana Casriyeynayo, ayna Maalgalinayso Dawladda Kuwayt Kuwaas oo Kala ah Hargaysa, Berbera iyo Burco.

Wasiirkii Duulista iyo Hawadda Somaliland ee Wakhtigaasi ayaa Sanadkii 2011-kii Dhagax dhigay Dib u dhiska Madaarka Burco.

Mudadii Xukuumadii Kulmiye ee uu Hogaaminaayey Madaxwayne Siilaanyo Waxaa Madaarka Burco ka Socday Dhisme aan Dhaamaanin.

Hadda Madaarki Wuu xidhan Yahay, Wakhtigii Abaarta Waxaa Laga Beeray Cows oo Waxa La Galiyey Cagaf Qodda, Sidoo Kalana Sanadihii ugu Danbeeyay Wuxuu Ahaa Goobta Lagu Qabto Xuska Sannad Guurooyinka Qaranimadda Somaliland ee 18-May.

Wakhtigii Lagu Jiray Tartankii Ololaha Doorashooyinka Madaxtooyadda Somaliland ayaa Musharaxii Xisbiga Kulmiye ahna Madaxwaynaha Hadda Taladda Dalka Haya, ayaa Balanqaadyadii Bulshadda uu u Samaynayey Waxaa Kamid ahaa Dib u dhiska iyo Casriyeyta Madaarka Burco, isagoo Xiligaasna Dhagax dhigay Dhismaha Madaarka,

Hassa Yeshee Booqashadii Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi Ku Marayey Gobalka Togdheer Kama Hadin Balan Qaadkii Dhismaha Madaarka Burco, Kama Mid Naqon Goobihii uu Kormeerka Kusoo Sameeyay Maalmihii uu ku Sugnaa Magaaladda Burco.

Hadaba is Waydiintu Waxay Tahay Balanqaadka iyo Dhagax dhiga Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ma Waxuu Lamid Naqon Doonaa Kuwii Xukuumadii Hore ee Kulmiye Mise wuu ka Duwanaan Doonaa Bal aan Eegno.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga