Dalka Maraykanka waxa meelaha qaar ka bilaabantay codaynta maalinta ugu danbaysa ee doorashooyinka madaxtinimada dalkaas, waxaana tartan adagi uu dhex marayaa madaxweyne Trump iyo murashaxa Dimuqraadiga ee Joe Bide.

Labada murashax ee doorashada ayuu gabalku ugu dhacay gobolada ay u arkaan in ay go’aamin doonaan doorashada, iyagoo halkaas kusoo xidhay ololaha. Biden waxa ololaha meelaha qaar ka caawinayay madaxweynihii hore ee Maraykanka Obama oo cambaarayn xoogan u jeediyay Trump.

Gobolada go’aaminaya doorashada cidda heli doonta ayaa wali aan la saadaalin karin dhanka ay raacayaan, balse waxa jira xog-ururino badan oo guusha u tirinaya Biden.

Meelaha qaar sida deegaano ka tirsan gobolka Georgia waxa ay dadku iibsadeen qoryo badan iyo rasaas, iyagoo ka cabsi qaba in rabshado ay dhacaan.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in saddex midkood ay noqon doonto doorashadu, in Joe Biden uu soo baxo sida la saadaalinayo, in guul aan la filahayn uu gaasho Trumo, iyo in guul aan hore loo arag uu gaadho Biden mar kale.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga