Madaxwaynaha maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntlnad Siciid Cabdullaahi Deni, oo ka hadlay sannad-guurada markii loo doortay madaxwaynaha maamulkaasi, ayaa ugu horrayn tacsi u diray dadkii ku geeryooday qaraxii Muqdisho isagoo dadka Soomaaliyeedna ugu baaqay in dadkana inaan waxa Muqdisho ka dhacay aan indhaha laga laaban.

Madaxwayne Deni oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay waxqabadka xukuumaddiisa muddadii sannadka ahayd.

Madaxwaynaha, oo ka warramaya xeerka badroolka ayaa waxaa uu bogaadiyay tallaabada ay qaadeen xildhibaannada reer Puntland ee ka dareeray aqalka sare ansixintii xeerkii bartoolka

Mar uu ka hadlayay dawladda federaalka Soomaaliya, madaxwayne Deni waxa uu ku dhaliilay inay xukuumaddu ka dhega adaygtay talooyin loosoo jeediyay.

Madaxwayne Deni ayaa ka warramay waxqabadyadii u qabsoomay sannadkii uu talada hayay ee dhinacyada kala duwan, dhinacyadaas oo ay ugu muhiimsanaayeen amniga, waxbarashada, caafimaadka iyo guud ahaan xaaladda guud ee Puntland.

Kadib khudbaddiisa madaxwayne Deni, oo ka jawaabay su’aal la waydiiyay taasoo ku saabsanayd kiisa Caasha, oo ahayd gabadh da’yar oo inta la kufsaday la dilay ayaa yidhi: ‘’Ma jirto meel Soomaaliya kamid ah oo sida kiiska Caasha loo qaaday loo qaaday’’ Deni ayaa dadka u sheegay inay kala gartaan shaqooyinka haayadaha kala duwan ee dawladda iyo dawlad-nimada

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa.

 

 

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga