Sucuudiga ayaa furaya tartankii ugu horeeyay ee kubadda cagta ah ee dalkaas ay kaga qayb qaataan haweenka Sucuudigu.

Horyaalka cusub ayay ku tartami doonaan hablaha Sucuudiga kadib Boqortooyada Sucuudiga oo qaaday tallaabooyin ay sheegtay in ay wax kaga qabanayso dhaleecaynta kaga timaada dibadda ee la xidhiidha heerka xuquuqda haweenka oo liidata dalkaas.

Waxa la filayaa in Sucuudigu uu sanadaha dhow ku biiro koobka aduuunka ee haweenka, isagoo diyaarinaya xul tababaran oo ka qayb qaata tartanada dibadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga