Haayadda caafimaadka adduunka, ee marka magaceeda lasoo gaabiyo layidhaa WHO ayaa toddobaadkii tagay sheegtay in dillaaca cudurka Coronavirus aanu gaadhin heer lagu qayaxi karo xaalad caafimaad oo caalami ah, balse illaa hadda tirada kiiskaska la qaxiijiyey ayaa cagacagaynaysa 7,711 kiis oo ay kamid yihin 1,700 oo kiis oo cusub oo la shaaciyey maalintii arbacada ahayd ee shalay.

Madaxa ururka caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom ayaa sheegay in maanta oo Khamiis ah ay go’aamin doonaan haddii ay ku dhawaaqayaan xaalad caafimaad oo deg deg ah oo caalami ah iyo in kale, xaaladdaas caafimaad ayaa ah mid ku saabsan faafitaanka cudurka Coronavirus, kaasoo ka dillaacay dalka Shiinaha dilayna 170 qof. 

Madaxa ururka caafimaadka adduunku waxa uu sheegay in 99% kiisaska cudurkan laga xaqiijiyay dalka Shiinaha, halka inta soo hadhayna lagu arkay 15 dal oo kuyaal adduunka. 

Cudurkan, ayaa ka dillaacay magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee dalkaasi Shiinaha, halkaas oo dalal badan oo adduunka kuyaallaa ay dadkooda kala baxayaan, dalalka Maryakanka iyo Japan ayaa iyagu mar horeba kasoo daad gureeyay dadkooda halkaasi, halka dalalka Australia, New Zealand, France, Russia iyo dalal kale ayaa ku dhawaaqeen maalintii Arbacadii shalay qorshe ay kusoo daad guraynayaan muwaadiniintooda ka jooga magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Axmed Maxamuud Yuusuf, Telefishanka Saab, Hargeysa

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga