Golaha guurtida Somaliland ayaa muddo laba sanno ah u kordhiyay golaha Wakiilada oo la doortay sanadkii 2005-tii xilkooduna ku ekaa sanadkii 2009.

Fadhi ay saaka iskugu yimaadeen xildhibaanada aqalka Guurtida ayay cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen muddo-kordhintan. Illaa 70 xildhibaan ayaa meelmariyay halka 1 xildhibaan oo kaliyaati aanu u codaynin.

Guurtida ayaa iyagu isku kordhiyay muddo saddex sanno ah, arintaas oo la saadaalinayo in ay wax u dhinto sumcadda Somaliland iyo hanaanka dimuqraadiyadda ee waddanka oo dhabo aan sax ahayn haya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga