Dawladda dalka Talyaaniga ayaa u sheegtay dadka dalkaasi inay joogaan guryahooda, raysal-wasaaraha dalkaasi Giuseppe Conte, ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin adag si wax looga qabto faafidda cudurka Coronavirus.

Dawladda Talyaanigu waxay mamnuucday isku imaatinkii dadka ee fagaareyaasha kala duwan iyadoo goobaha waxbarashada ee dalkaasina la xidhay illaa iyo inta laga gaadhayo saddexda bisha dambe.

Go’aanka ay dawladda Talyaanigu badowga ugu soo rogtay guud ahaan dalkaasi, ayaa imanaya kadib markii waqooyiga dalkaasi Talyaaniga uu si aad ah ugu faafay cudurku oo ay dawladdu badow kusoo rogtay aaggaas, balse waxaa sii kordhayay dadka u dhimanaya cudurka.

Tallaabooyinka kale ee ay dawladda Talyaanigu rabto inay ku xakamayso cudurkan, ayaa waxaa kamid ah baajinta ciyaarihii ka dhici lahaa guud ahaan dalkaasi Talyaaniga.

Talyaanigu wuxuu sheegay in keliya safarrada loo ogolaan doono dadka aadka ugu baahan inay safraan.

Waxaa jira Soomaali badan oo kunool Talyaaniga, gaar ahaan Soomaalida ayaa aad ugu sii batay dalkaasi xilli ay kamid ahaayeen mawjado muhaajiriin ah oo doonyo ku galay Talyaaniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga