Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad Ee Golaha Shacabka Somalia Cabdiwali Ibraahim Muudeey Oo Goor Dhawayd La Hadlay Warbaahinta Ayaa Ku Eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Iyo Ku-Xigeenkiisa In Ay Ku Tunteen Sharciga, Sidaa Daraadeed Ay Tahay In Tallaabo Laga Qaado.
Cabdiwali Muuday Ayaa Warbaahinta U Sheegay In Gudoomiye Jawaari iyo Kuxigeenkiisa Labaad Ay Sifo Sharci Daro Ah Kula Waregeen Xarunta Golaha Shacabka,isla Markaana Ay Ciidamo ka Amar Qaadayana Ay Lasoo Galeen Xarunta Golaha Shacabka,
Waxa Kale Oo Gudoomiye Muuday War Murtiyeedkiisa Ku Sheegay in Gudoomiye Jawaari iyo Ciidamada Uu Watayba Ay Xildhibaanadda U Diideen in Ay Gutaan Waajibaadkooda Dastuuriga Ahaa,
Ugu Danbaytii Gudoomiye Kuxigeenka Kobaad Ee Golaha Shacabka Somalia Ayaa Madaxwaynaha Dawladda Somalia Maxamed CabdilaahI Farmaajo Ka Codsaday in Uu Talaabo Ka Qaado, Dadka ,Ku Xadgudbaya Sharciga Dalka U Yaala,Madaama Uu Yahay Madaxwaynuhu Ilaaliyaha Sharciga Dalka U yaala,