Gudida Hirgelinta Doorashooyinka e Soomaaliya ayaa soo saaray jadwal cusub oo ay ku dejiyeen xiliga ay si rasmi ah u bilaabmayso doorashada Aqalka Hoose iyo xiliga ay dhammaanayso.

Waxa la qorsheyay in 16-ka November ay bilaabanto doorashadu halka lasoo gabagabayn doono taariikhdu markay tahay 24-ka bisha Decembar ee dhammaadka sanadkan 2021.

Hore waxay u ahayd in dabayaaqada bishan November ay dhammaato doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamanku, balse dib u dhac ayaa ku yimi qorshayaasha la dejiyay.

Beesha Caalamka iyo xubnaha gudaha aya aku baaqaya in inta aanu sanadku dhammaan la dhammaystiro hawlaha doorashada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga